Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Ukraine oo soo riday diyaarado uu Ruushku adeegsanayay

Recommended Posts

Deeq A.   
01000000-0aff-0242-8420-08db9b156ce9_w40

Masuuliyiinta dalka Ukraine ayaa sheegay in duqayn dhinaca cirka ah uu Ruushku la beegsadeen dekeda ku taala koonfurta magaalada Odesa ay ku dhaawacmeen ugu yaraan sadex qof.

Milateriga Ukraine ayaa sheegay in nidaamkooda difaaca cirku uu soo riday dhamman 15-kii diyaaradood ee aan duuliyaha lahayn ee Ruushku uu u adeegsanayey weerarka dhinaca cirka ah, iyo sidoo kale gantaallo badda laga soo riday, hase ahaatee waxay sheegeen in burburka ka dhashay hubkaas la soo riday in ay khasaare geysteen.

Hadhaaga hubka la burburiyey ayaa sababay dhaawaca saddex qof oo ku sugnaa meherad laga adeegto iyo goob ay degan yihiin arday.

Duqayn kale ayaa Ruushku Axaddii ka fuliyey gobolka Kherson, waxaana halkaas ku dhintay illaa toddoba qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 22 qof oo kale.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Ukraine oo soo riday diyaarado uu Ruushku adeegsanayay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this