Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo careysan oo maanta xirtay laamiga isku xira Garoowe iyo Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   
2023814638275844060044003.jpg?fit=660%2C

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo agagaarka magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, kadib markii ciidamo careysan lagu arkay halkaasi.

Ciidamadan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa maalintii labaad xirtay waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ee maamulkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamadan ayaa ka gadoodsan mushaar la’aan soo wajahday, waxayna isku fidiyeen laamiga dheer ee isku xira magaalooyinkaasi.

Dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan ciidamadan ayaa saameyn ku yeeshay gaadiidka isaga kala goosha halkaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale tobaneeyo kamid ah gaadiidka xamuulka ah oo kusii jeeda gobollada dhexe ayaa ku xayiran dhanka kastamka degmada Xarfo ee gobolka Mudug, halka kuwa kale oo ku wajahan magaalada Boosaaso loo diiday inay ka gudbaan halkaasi.

Xaaladda ayaa isku cakiran, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan gadoodka ay sameeyeen ciidamadaasi.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale ciidamo mushaar laa’aan ka cabanaya ay kasoo baxeen furimaha dagaalka ee buuraha Golis ee gobolka Bari, halkaas oo ay kaga jireen difaacyo ka dhan ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ku xoogan halkaasi.

Gadoodka ciidamada ayaa marar badan kusoo laa laabtay Puntland, waxayna inta badan ciidamaduqaadaan tallaabooyin dheeraad oo saameysa dadka shacabka ah iyo ganacsatada.

The post Ciidamo careysan oo maanta xirtay laamiga isku xira Garoowe iyo Gaalkacyo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this