Deeq A. Posted August 14, 2023 Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa markale ka hadlay howl-gallada dagaal ee kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, isaga oo shaaciyay deegaano uu ku wajahan yahay duulaan culus. Madaxweyne Guudlaawe ayaa marka hore bogaadiyay howl-gallada ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka ay ku xoreeyeen degmada Ruunir-good ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Qeybaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidanka dib-u-xoreynta deegaanka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay degmada Ruunirgood iyo deegaanada hoosyimaada sida Hilowle gaab iyo Ceelbacad. “Madaxweynaha ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin u diray geesiyaasha ciidanka xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta ee shacabka Degmada Ruunirgood iyo deegaanada hoosyimaada ka dulqaaday cadowgii ku habsaday mudada dheer,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulka HirShabeelle. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in wejiga labaad ee howl-galka oo dhawaan bilaabanaya lagu xoreeyn doono dhamaan deegaanada dhaca galbeedka webiga Shabeelle ee dowlad-goboleedka HirShabeelle. Wejiga labaad ee dagaalka ayaa bilaanaya kadib marka uu soo idlaado howl-galka uu madaxweyne Xasan Sheekh u joogo Dhuusamareeb, kooxda Al-Shabaab-na laga xoreeyo deegaannada ay weli kaga harsan yihiin maamulka Galmudug. Sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka, dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab waxaa loo qorsheeyey waqti kooban, si koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howl-gallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore.The post Guudlaawe oo shaaca ka qaaday duulaan ku wajahan…. appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites