Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax weyn oo gilgilay xarun lagu keydiyo gantaalaha oo ku taalla Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

Qarax weyn ayaa laga maqlay keydka gantaallada maleeshiyaad taabacsan Iiraan ay ku leeyihiin bariga caasimadda Suuriya ee Dimishiq sida laga soo xigtay koox la socota xaaladda Suuriya.

Dadka deggan gobolka Dimishiq ayaa maqlay qaraxyada oo ka soo yeerayay kaydadka maleeshiyaad taageersan Iiraan ay ku leeyihiin dhul buuraley ah oo bariga ka xiga caasimadda, sida ay sheegtay kooxda la socodka xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigeedu yahay Britain, taasi oo xogta ka hesha dad ku sugan gudaha dalkaasi.

Rami Abdel Rahman oo ka tirsan kooxda ayaa u sheegay AFP in aysan garaneyn in qaraxa uu sababay duqeyn dhinaca cirka ah oo lala beegsaday ama ay qarxeen walxo goobta yaalla.

In ka badan toban sano oo uu socday dagaalka Suuriya, dalka ay dariska yihiin ee Israa’iil ayaa boqolaal duqeymo ah ku qaaday dhulka Suuriya, iyadoo ay ugu horreyso weerarada ay la beegsato ciidamada taageerada ka hela Iiraan iyo Xisbullah.

Afar askari oo Suuriyaan ah iyo laba dagaalyahan oo ay Iran taageerto ayaa Isniintii la soo dhaafay lagu dilay duqeymo ay Israa’iil ka geysatay meel u dhow magaalada Dimishiq, waana duqeymihii ugu dambeeyay ee diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay ka fuliyeen caasimadda dalkaas.

PUNTLAND POST

The post Qarax weyn oo gilgilay xarun lagu keydiyo gantaalaha oo ku taalla Suuriya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this