Sign in to follow this  
Deeq A.

Urur siyaasadeedka Mideeye oo si adag ugu jawaabay madaxweynaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa jawaab ka bixiyay baaq uu dhawaan jeediyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni kaas oo ahaa in Mideeye ku soo noqdo hannaanka doorashooyinka qof iyo cod.

War-saxaafadeed ka soo baxay urur siyaasadeedka Mideeye ayuu ku caddeeyay in aysan diiddanayn doorashooyinka hannaanka xisbiyada badan ee qof iyo cod islamarkaana ku kalsoon yihiin codka shacabka.

Waxaase Mideeye u soo jeediyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uu aqbalo wada-hadal ay isugu yimaadaan dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah si looga wada-hadlo khilaafaadka ka taagan hannaanka doorashooyinka qof iyo cod.

Ururka ayaa sidoo kale madaxweyne Deni u soo jeediyay in uu gebi ahaanba ka laabto wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland kaas oo uu ku tilmaamay mid sharciga baal-marsan.

FB_IMG_1691992541749.jpg?resize=720%2C93 FB_IMG_1691992546816.jpg?resize=720%2C93

PUNTLAND POST

The post Urur siyaasadeedka Mideeye oo si adag ugu jawaabay madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this