Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo Dhuusamareeb Ka Wada Abaabul iyo Kulamo Kale Duwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo muddoo ka badan toddobaad  jooga deegaanada Galmudug  ayaa wali wada abaabulka howgallada iyo xoreynta deegaannada maamulka goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha oo arrintaas ka duuliya muhiimadda ay leedahay ayaa wali wada kulamada wadatashiga ah uu la yelanayo bulshada qeybaheeda kale duwan, isaga oo kala hadlaya sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada maamulka ay kaga sugan yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kulan gaar ah la qaatay dhaqanka iyo waxgaradka ayaa wuxuu si gaar ah kala hadlay sidii ay doorkooda hoggaamineed uga qaadan lahaayeen qorshaha dib loogu xoreynayo deegaannada ay la isku yiraahdo Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay in ay ka hortagaan qorshekasta oo  kala qeybinayso bulshada ku nool Galmudug, waxaana kulamadaan ay kusoo aadayaan xilli dowladdu ay wado qorshe ay kula wareegeyso deegaanno dhaca bariga gobolka Galgaduud.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this