Sign in to follow this  
Deeq A.

Dullucda Kulan Wasiirka Khaarajiga Somaliland la Yeeshay Baarlamaanka Sweden

Recommended Posts

Deeq A.   

Dullucda Kulan Wasiirka Khaarajiga Somaliland la Yeeshay Baarlamaanka Sweden

Stockholm (Qaran news)- Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud ayaa kulan la qaatay xildhibaano ka tirsan guddida Arrimaha Dibedda Baarlamaanka dalka Sweden, kulankaasi oo lagaga wada hadalay xidhiidhka iyo iskaashiga Somaliland iyo Sweden ay wadaagaan.

Kulanka oo ka dhacay Baarlamaanka Sweden ayaa la sheegay in Wasiir Dr Ciise sharaxaad ka siiyey xildhibaada ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibeda xaalada dibedda iyo gudaha Somaliland wakhtigan iyo duulaanka kooxaha huwantu (Argagxisada, Puntland iyo kooxo la marin-habaabiyey ee Sool) ku soo qaadeen Somaliland si loogu dhaawaco nabada iyo xasiloonida dalka.

Kulanka oo uu goob-joog ka ahaa Safiirka JSL u fadhiya dalka Sweden Md. Sakariye Xasan Wacays ayaa xubnaha xildhibaanada loo dhiibay qoraalo ka hadlay horumarka Somaliland iyo hadafkeeda aqoonsi ay caalamka ka hesho.

Dhinaca kale Xildhibaan Markus Wiechel oo ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibedda ee Baarlamaanka Sweden ayaa soo dhoweeyey kulanka Wasiirka Dr Ciise, isla markaana sheegay inuu taageerida qadiyada madaxbanaanida Somaliland bilaabay sagaal sannadood hortood.

Fariin uu ku baahiyey bartiisa Twitter Xildhibaan Markus ayaa ku sheegay in xildhibaano xisbiyo kala duwan mooshin la xidhiidha aqoonsiga Somaliland u gudbiyeen baarlamaanka Sweden.

“xildhibaano badan ayaa ka qayb qaadanaya taageerida guusha Somaliland. Waxaa jira koox saaxiibtimo baarlamaanka ah, iyo mooshinno ay diyaariyeen xildhibaanno ka kala socda xisbiyo kala duwan.

Xildhibaan Markus ayaa nasiibdaro ku tilmaamay in Somaliya oo dal qalalaase ah mucaawinooyin bdan caalamka ka helo, halka Somaliland oo xasilooni ka jirto aanu taageero helin.

“Soomaaliya taagero badan ayey heshaa halka Somaliland aanay helin, haddana Somaliland waxa ka jira hay’ad dawladeed oo shaqaynaysa, halka ay Soomaaliya ka jirto dawlad la’aan. Waa murugo.” Ayuu yidhi Xildhibaan Markus.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this