Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo Aadan Madoobe u sheegtay inay doonayaan in baarlamanku qeyb ka noqdo…

Recommended Posts

Deeq A.   
367423573_614166280894011_12715276733677

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Katriona Laing iyo wafdi ay hoggaamineysay.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay dagaalka Al-Shabaab, wada-shaqeynta Baarlamaanka iyo taageerada Qaramada Midoobe ee dib u dhiska dalka iyo arrimaha horumarinta, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay xafiiska guddoomiye Aadan Madoobe.

Ergeyga oo ayaa guddoomiyaha warbixin ka siisay booqashooyinkii ay ku tagtay maamul gobaleedyada dalka, ayada guddoomiyaha la wadaagtay sida loogu taageeri lahaa arrimaha horumarinta dalka, xoojinta dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab oo meel wanaagsan maraya.

Sidoo kale waxay xustay sidii Baarlamaanka kaalin uga qaadan lahaa war-murtiyeedkii Golaha Madasha Wada-tashiga Qaranka, kaasi oo wax loogu sameeyay hanaanka dowliga ah ee dalka iyo doorashooyinka.

Marwo Catriona ayaa intii juu socday kulankaan adkeeysay ahmiyadda ay leedahay taageerada Baarlamaanka iyo sidii loogu taageeri lahaa tayaynta khibrada Xildhibaannada iyo howl-wadeennada.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa gunnaanadka kulanka boggaadiyay shaqada baaxada leh ay u heeyso Qaramada Midoobay taageerada joogtada iyo kor u soo qaadida nabada iyo xasiloonida dalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ka shaqeyn doono waxkasta oo dan u ah qaranimada iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed.

The post QM oo Aadan Madoobe u sheegtay inay doonayaan in baarlamanku qeyb ka noqdo… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this