Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada oo billowday qorshe cusub iyo C/llaahi Maxamed Nuur oo madax looga dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   
Cabdullaahi-Maxamed-Nuur-Nur-Noor.jpeg?f

Muqdisho (Caasimada Online) – Dawladda Soomaaliya ayaa maanta ku dhowaaqday xarun cusub oo qaabilsan cilmi-baarista iyo ka hortagga fikirka xagjirnimada oo Soomaaliya muhiim u ah, maadaama ay ka dagaalamayaan kooxo argagixiso ah.

Xaruntan cusub waxay dawladdu u bixisay Tubsan National Center, waxaana shaaciyey maanta xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u magacaabay inuu xarunta Agaaisme ka noqdo Cabdullahai Maxamed Nuur oo horay u soo noqday Wasiirka Amniga Soomaaliya, xiligii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Agaasime ku xigeenka xaruntaas u magacaabay Ibraahim Aadan Nadaarada oo sannadkii 2016-kii kasoo goostay kooxda Al-Shabaab.

Ibraahim Nadaarada ayaa mid ahaa la-taliyayaasha gaarka ah ee Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, waxaana hadda agaasime ku xigeen looga dhigay xaruntaan ka shaqey doonta ka hortagga fikirka xagjirnimada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in xaruntan cusub ay ka mid noqon doongto hay’adaha dawladda, ayna mas’uul ka noqon doonto ka hortagga fikradaha xagjirnimada iyo gacan ka hadalka ku salaysan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sannadkii hore markii xilka loo doortay ku dhowaaqay inuu qaabab hor leh ula dagaalamayo al-Shabaab, taasi oo aan ku koobnayn dagaalka milatariga ah, balse ay ku jiraan dagaalka dhinaca dhaqaalaha iyo fikirka.

Hoos ka akhriso dikreetada lagu magacaabay agaasimeyaasha cusub:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa magacaabay Agaasimaha Guud iyo Agaasime Ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikradaha Xagjirka ah ee Rabshadaha Wata.

Ra’iisul Wasaaruhu markuu tixgeliyay baahida loo qabo in la dardargeliyo ka hortagga sababaha aasaasiga ah ee dhaliya ama dhiirigeliya fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata, waxa uu magacaabay.

  1. Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur – Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan
  2. Mudane Ibraahim Aadan Ibraahim – Agaasime Ku Xigeenka Xarunta Qaran ee Tubsan

367405169_649205573975259_83448011808297

The post Dowlada oo billowday qorshe cusub iyo C/llaahi Maxamed Nuur oo madax looga dhigay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this