Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Wadatashiga Warasaaradaha Maaliyadda Heer Federal iyo Heer Gobol oo Muqdisho Ka Furmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ka furmay kulan ay isugu yimaadeen Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, isaga oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Shirkaan yaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha xeerka mideynta Cashuuraha, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dhamaystirka sharuudaha deyn cafinta oo dhawaan la filayo in la soo gaba-gabeeyo oo maraya heerkii ugu dambeeyay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ay garbihiisa fadhiyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo M. Janaqoow iyo Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar C. Xaange ayaa si rasmi ah u furay shirka, wasiirka oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in uu muhiim u yahay shirkaan arrimaha mudnaanta u leh dib-u-habeynta Maaliyadda, mideynt hannaanka canshuuraha, dhammaystirka sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta.

Shirkaan Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Saaxiibadda caalamiga ah ay ku taageeraan guud ahaan Soomaaliya iyo Deeqaha Maaliyadeed. Shirkaan ayaa waxa ka maqan oo aan ka qeybgalayn Wasiirka Maaliyadda Maamulka Puntland, inkasta oo si rasmi ah loogu casuumay shirkaan.

W2A1330-scaled.jpeg W2A1345-scaled.jpeg W2A1400-scaled.jpg W2A1428-scaled.jpeg 1W2A1444-scaled.jpg Faysal-4-scaled.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this