Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka deegaanka oo tababar u furay bahda garsoorka ee deegaanka la shaqeeya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka horumarinta Maaliyadda JSL, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa maanta magaalada ka furay kulan lagaga arrinsanaayey Xidhiidhinta Mashaariicda Baanka adduunku ka wado Somaliland.

Kulankan waxa ka soo qaybgalay wasaaraddaha iyo hay’addaha JSL, ee ay ka socdaan mashaariicda horumarineed Baanka adduunku ka wado Somaliland.

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda SomalilandIMG-20230813-WA0007-300x133.jpg Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka waramey ahmiyadda kulankaas u leeyahay dalka iyo sidii looga faaiideysan lahaa mashaariicda Baanka addunka ka wado Somaliland, iyadoo wasiirku xusey in dalka ay ka socdaan toddoba mashruuc oo horumarineeed oo uu fulinaayo baanka adduunku.

Sidoo kale waxaa uu caddeeyay in kulan ay uga gol leeyihiin sidii loo lafa-gurilahaa waxyaabaha ka qabsoomay mashaariicdaasi iyo wixii ku baaqday, hay’addihii loo xilsaaray in ay fuliyaan iyo sidii loola xisaabtami lahaa hay’add kasta wixii mashaariic ah ku maqan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this