Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka oo Dhagax Dhigay Dhismaha Wasaaradda Owqaafta

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra”iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda faderaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xarun wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta oo markii ugu horeysay ay si gaar ah u yeelanayso

Munaasabadda dhagax dhiga oo  goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya Shiikh Muqtaar Rooboow ayaa lagu sheegay in dhismaha xaruntaan ay baahi weyn u qabto wasaaradda,si bulshada loogu adeego.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in qorsha ay ugu jirtay in la dhiso dhismo hab casri ah loo dhisayo oo ay yeelato wasaaradda,si isku tashi ah ay u dhisaneeyso iyadoo aan cidnna wax loo weydiinin.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya ayaa hadda PA dagan Wasaaradda  Cadaaladda soomaaliya, Wasiir Muqtaar Roobow” Lacag dhan 1Million iyo 150,000 kun ayaan u haynaaa Dhismaha wasaaradda oo aan cid kale naga caawin,waxaan beeqaamsanay xoogaa yerkii aan lahayn”

Ra’iisul wasaara ku xigeenka Xukuumadda federaalka soomaaliya Saalax Axmed Jaamca oo dhagax dhigay dhismaha wasaaradda ayaa sheegay in wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ay lafdhabar u tahay dagaalka khawaarijta dalka looga xoreynayo muhiimna ay tahay in ay hesho dhismo u gaar oo ay ku shaqeyso.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this