Sign in to follow this  
Deeq A.

Dab Xooggan oo Baabi’iyey Magaalo Ku Taallo Mareykanka iyo Ku Dhowaad 100 Ruux oo Geeriyootay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dab xooggan oo 72-kii saac ee lasoo dhaafay ka socday Keymaha caanka ah Maui ee gobolka Hawaii ee dalka Mareykanka ayaa geystay khasaare xooggan, waxaana soo baxaya khasaare nafeed ee ka dhashay Dabka, sida laga soo xigtay Booliiska iyo waaxda gurmadka iyo samatabixinta.

Tirada dhimashada dadka ayaa gaartay  89 qof Sabtidii, taasoo ka dhigaysa tii ugu dhimashada badnayd muddo ka badan qarni, waxayna u muuqataa in tiradaasi sii kordhi doonto maalmaha soo socda, xilli ay jiraan dhaawacyo culusul oo xaalad adag ku jira sida laga soo xigtay dowladda.

Burbur baaxad leh ayaa gaaray dhismayaal deegaanka ku yaala, iyadoo gawaari badan ay dhalaaleen kaddib markii uu dab qabsaday, dabka ayaa ka kacay kadib kulka cimilada oo aad u kordhay maalmihii dambe Mareykanka, xilligaan oo lagu jiro waqtiga xagaaga oo kul badan uu jiro.

Qiimaha dib loogu dhisi karo magaalada Lahaina oo ah magaalo dabku baabi’iyay ayaa lagu qiyaasay $5.5 bilyan, waxa burburay kaabayaal dhaqaale oo gaaraya 2,200, iyadoo dhul beereed gaaraya 850 hiktar uu gubtay dabka ka kacay, gobolka ayaa ka mid ah gobollada wax soo saara.

Gudoomiyaha Gobolka Hawaii ee dalka Maraykanka Josh Green oo shir jaraa’id qabtay Sabtidii ayaa ka digay in tirada dhimashadu sii kordhi doonto, iyadoo maydad hor leh la helayo, waxaana wali socda gurmadka iyo samatabixinta ay wadaan waaxda gurmadka iyo samatabixinta.

Eeyaha loo tababaray urinta maydadka ayaa kaliya baaris ka sameeyay boqolkiiba sedex dhulka baaba’ay sida uu sheegay madaxa booliska ee magaalada Maui John Pelletier, dabkaan ayaa kacay xilli cabsi xooggan ay jiro oo ku aadan isbedelka cimilada ee dunida ka jirta.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this