Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Ciidamo gadoodsan oo xalay qabsaday kastamka degmada Xarfo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1691905292210.jpg?resize=720%2C43

Ciidamo ka tirsan Puntland oo gadoodsan ayaa xalay qabsaday kastamka degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Ciidamada oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa gebi ahaanba la wareegay kastamka Xarfo halkaas oo ay weli gacanta ku hayaan.

Ciidanka gadoodsan ayaa xannibay dhaq dhaqaaqa isu socodka gaadiidka ee laamiga dheer sida laga soo xigtay dadka degaanka.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada gadoodsan ayaa dalbanaya in la siiyo mushaar iyo xuquuq kaga maqan dowladda si ay u banneeyaan kastamka.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Ciidamo gadoodsan oo xalay qabsaday kastamka degmada Xarfo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this