Deeq A. Posted August 13, 2023 Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya, sidoo kale ah siyaasi ah ka faallooda arrimaha siyaasadda ee gobolka iyo caalamka ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee Somaliland. Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdiskuur ayaa soo hadal qaaday dagaalkii Jimcihii ka dhacay aagga buurta Gacan-Libaax ee u dhexeeysay ciidamada Somaliland iyo jabhad hubeysan oo ku sugan halkaasi wuxuuna sheegay inuu xasuunka iyo murugada la qaybsanayo shacabka. Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale shaaciyay xalka u baahan tahay Somaliland, wuxuuna tilmaamay in dhibaatada taagan looga baaqsan karo madaxweyne Muuse Biixi oo tanaasula, kadibna la fariista xubnaha mucaaradka, si loo aado doorasho loo dhan yahay. Waxaase taa looga baaqsan karaa madaxweyne Biixi oo ka tanaasula damaca xukun kororsi, lana xaajoodo siyaasiyiinta ay is hayaan, si la iskula meel dhigo xukun kala guur iyo doorasho nabdoon” ayuu yiri warbixin dheer oo uu qoran Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Halkan hoose ka aqriso:- Waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanayaa maamulka, shacabka iyo gaar ahaan ehellada ay dadkoodu ku dhinteen iska hor imaadka ka dhacay Somaliland. Damac, qab iyo quursi is huwan waxaa inta badan siyaasiga duufsada, kana indha saaba talada toosan. Waxaa hubanti ah haddii geesawaynta siyaasadda (Political Elite النخبة السياسية) heshiin waayaan, jirina awood kale oo gacmaha qaban karta; sida ciidan ama bulsho rayad oo xoog leh, natiijadu waxay noqotaa in bulshadu u laabato xaaladdii dabiiciga ahayd ee dawladnimada ka horaysay ee qof iyo qabiilkii ahayd. Waxaase taa looga baaqsan karaa madaxweyne Biixi oo ka tanaasula damaca xukun kororsi, lana xaajoodo siyaasiyiinta ay is hayaan, si la iskula meel dhigo xukun kala guur iyo doorasho nabdoon. Maanta oo kale awoodda tawaaduca (power of humility) ayaa wax tar leh, waxayna taagan tahay halkii uu Abwaan Hadraawi (AUN) ka lahaa “Hadalkana ku daa iri Nin dab liqay Rashiidow Dhuxul buu ka daacaa Ma darmaanta booddee Didday baan u jeedaa? Ma daliilka muuqdiyo Dhamac hoos ka darartoo Is dallaallimaysiyo Danbas baan aqaannaa? Halka Deyr wakhtigu dhigo Dib baa looga sheekayn Kaddaraa u magac bixin!”The post CC SHAKUUR oo tilmaam ka bixiyay xalka SOMALILAND appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites