Deeq A. Posted August 13, 2023 Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in hawlgalka ballaaran ee xilligan ka bilaabanaya deegaanada Galmudug uu yahay mid lagu dhameystirayo haraadiga maleeshiyada Al-Shabaab. Al-Cadaala ayaa ku waramaya in qorshuhu yahay in ciidamada ay xoreeyaan deegaanada ay maleeshiyadaasi kaga harsan yihiin Gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo weliba sidii looga sifeyn deegaano dhaca xadka Gobolka Galgaduud la wadaago Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, oo sida uu sheegay ay meelo ka mida ku dhuumaaleysanayaan. “Hawlgalkani waa in Khawaarijta looga saaro qaybo ka mida Gobolka Mudug, qaybo kale oo ka mid ah Gobolka Galgaduud, xadka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe la wadaagaan Gobolka Galgaduud, meelahaas Khawaarij yar oo ku dhuumaneysa oo ku jirta sidii looga dhameystiri lahaa, oo dadka Soomaaliyeed ay halkaa ku dhibaateynayaan looga dulqaadi lahaa ayuu ku wajahan yahay,” ayuu yiri Al-Cadaala. Waxa uu tilmaamay in tan iyo intii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dib ugu soo laabtay xafiiska lagu guuleystay in dhul ballaaran laga saaro maleeshiyadaasi. “Dhul aad u tiro badan ayaa laga saaray Khawaarijta oo Magaalada Muqdisho wax yar uun u jiray, haddana dhul 500km illaa 600km gaarayaa laga saaray, oo hadda dadka ay xorriyad ku nool yihiin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar. Al-Cadaala ayaa sheegay in sababta ahmiyadda sidaa u weyn loo siinayo la dagaalanka Shabaab ay tahay, iyadoo Madaxda Qaranku ay qabaan wax kasta oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed loo qaban lahaa, aanan loo qaban karin inta Shabaabku ay ku sugan yihiin qayb ka mida dalka. “Madaxweynaha wuxuu aaminsan yahay oo Raysal Wasaaruhu aaminsan yahay oo dowladda maanta jirta ay aaminsan tahay wax kasta oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed loo qaban lahaa, lama qaban karo inta ay Khawaarij waddanka meel ka mid ah joogto. Sababtoo ah waxay u taagan yihiin cagsiga dhammaan himilooyinka dadka Soomaaliyeed, hadday siyaasad, dhaqaale, adeeg bulsho iyo hadday horumarin nolosha dadka noqoto, midna lagama shaqayn karo,” ayuu yiri Al-Cadaala. Al-Cadaala ayaa intaasi ku daray “Sidaas ayay dowladdu ahmiyadda koowaad uga dhigatay wax kasta oo ay heli karto oo maskax, muruq iyo maal ah ay isugu gayso in nimankaa dalka laga saaro.” Dhanka kale Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ayaa lagu wadaa in ay u qalab qaataan, sidii ay maleeshiyadaasi uga saari lahaayeen deegaanada Galmudug. Hawlgalkan ayaa lagu macneeyay kiisii ugu ballaarnaa ee lagu wajaho Shabaabka, muddadii ay dalka ka dagaalamayeen. Qorshaha dowladda haatan jirto ay kula dagaalameyso Shabaabka ayaad mooddaa inuu ka duwan yahay qorsheyaashii hore ee dowladihii kala dambeeyay ee dalka kula dagaalamayeen maleeshiyada, marka aad eegto dhowrka kun ee dadka deegaanka ah ee la abaabulay, isla-markaana ka qayb qaadanaya hawlgalka la doonayo in dalka lagaga ciribtiro kooxaha argagixisada iyo in Madaxweynihii Jamhuuriyadda uu si ku-meel-gaar ah ugu shaqeynayo Magaalada Dhuusamareeb, si uu u dhiirigeliyo ciidamada iyo dadka deegaanka ee is garabsanaya. Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada barnaamij ay ciidamada muddo dheer ugu sii joogayaan dhulka laga xoreeyo Al-Shabaab, waana barnaamijka ay tahay inaanay ciidamada oo dhami ku hakan magaalooyinka iyo deegaanada la qabto, balse ay qaybtood ku faafaan oo isku fidiyaan dhulka fogfog ee miyiga, si looga hortaggo inaanay Shabaabku dib iska soo abaabulin, weerarana aanay uga gaysan goobihii laga saaray. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb kulamo gaar gaar ah kula qaatay Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa ku adkeeyay xoojinta wadajirka lagu wajahayo maleeshiyada Al Shabaab iyo xoreynta deegaanada Galmudug. Madaxweynaha ayaa odayaasha reer Galmudug kula dardaarmay inay ka feejignaadaan dhagarta Shabaabka, ee ay colaadda uga dhex abuurayaan beelaha deegaanka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ballanqaaday in dowladdiisa ay deegaanada Galmudug ka hirgelin doonto mashaariic horumarineed, haddii caqabadda keliya ee fulinta mashaariicdaasi hortaagan waa Shabaab’e laga saaro dhulka Galmudug.The post DF oo ku dhowaaqday dhameystirka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites