Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay Xasilinta degaannadii laga xoreeyay Argagixisada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1691903655638.jpg?resize=719%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing.

Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta ee degaannada laga xoreeyey argagixisada iyo sidii addeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada sannadaha badan ku noolaa gaboodfallada argagixisada iyo xaaladaha binu aaddannimo ee adag.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobay miro-dhalka howlgalada ka dhanka ah argagixisada AS, isagoo sheegay in ololaha lagu ciribtirayo argagixisada uu si habsami leh uga socdo degaanada Galmudug, hadafkuna uu yahay in laga sifeeyo degaanada ay wali ku harsanyihiin.

Dhankeeda, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa bogaadisay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay cirib-tirka argagixisada, waxa ayna tilmaamtay in joogitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ay ka dhigan tahay farriin xoojinaysa halganka xoreynta Soomaaliya iyo sidii la isugu furi lahaa deegaannada ay kala xirtay argagixisadu.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay Xasilinta degaannadii laga xoreeyay Argagixisada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this