Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo dilay gabdho walaalo ah oo diiday qorshe culus oo berri ay damacsan yihiin

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_3655-Copy-1536x1024-1.jpg?fit=1536%2

Ceeldheer (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa ku qasabtay dadka ku nool deegaanka Cowswayne oo hoos taga degmada Ceeldheer iyo tuulooyin kale oo u dhow deegaankaas inay berri oo Axad ah isku soo baxaan, si looga dhigo dad taageersan oo ku aragti ah.

Sida ay dadka deegaanadaasi u sheegeen Caasimada Online qoysaska qaar waxay Al-Shabaab si xoog ah uga qaateen dhowr neef oo Geel ah, kuwaas oo qalay maleeshiyaadka u dagaalama kooxda oo hadda abaabul xoog leh ka wada bariga gobolka Galgaduud.

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka reer miyiga ah ee ku nool deegaanada hoostaga Ceeldheer kooxda ayaa balan qaaday in berri ay odayaasha iyo qof kasta oo dagaalami kara ay qoryo u qeybinayaan, si ay ciidamada dowladda uga difaacdaan dhulkooda, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale xogta aan helnay waxay sheegeysaa in deegaanka Cowswayne ay maanta ku dileen gabar, halka gabar kalena ay ku dhaawaceen, kadib markii ay rasaas ku fureen dad isku dayey inay diidaan oo ka banaan-baxaan amarka lagu hubeynayo dadka ee ka soo baxay kooxda Al-Shabaab.

Sida ay dadka reer Cawsweyne u xaqiijiyeen Caasimada Online, labada gabdhood ee mid la dilay midna la dhaawacay waxay ahaayeen walaalo, waxaana dhalay nin lagu magacaabo Af-madoobe Xasan Caddoow oo caan ka ah deegaanadaas.

Odayaal horay ula shaqey jiray Al-Shabaab oo u qaabilsanaa arruurinta xoolaha badda ah, ayaa qeyb ka ah abaabulka ay Al-Shabaab ka wadaan aagga deegaanka Cawsweyne, odayaashaas ayaa la qorsheynayaa inay berri la hadlaan dadka shacabka ah, iyagoo u sheegaya inay dagaalamaan oo iska difaacaan duulaanka dowladda.

Caasimada Online waxay heshay magacyada qaar ka mid ah odayaasha Al-Shabaab ku garabsiinaya abaabulka dagaal ee deegaanada u dhow Cawsweyne ay ka wadaan, waxaana ka mid ah Axmed Cali Gedef, Subkane, Xaaji Roog, Cali Maqane iyo kuwa kale oo badan oo horay uga tirsanaa kooxda.

Kooxda Al-Shabaab ayaa abaabuleysa dadka ku nool deegaanada ay ka joogaan gobolka Galgaduud, waxayna maalmihii lasoo dhaafay soo bandhigeen dad hubeysan oo degaanka ah, kuwaas oo ay sheegeen inay dagaal kala hortegi doonaan ciidamada dowladda, waxaa la xusuustaa in dad ay horay ugu soo bandhigeen deegaano laga xoreeyey ay sheegeen in lagu qasbay oo lagu sawiray hubka.

The post Al-Shabaab oo dilay gabdho walaalo ah oo diiday qorshe culus oo berri ay damacsan yihiin appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this