Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Kulan La Qaatay Ergayga Gaarka ah Ee QM

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb kula kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing.
Madaxweynaha iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta ee degaannada laga xoreeyey Al-shabaab  iyo sidii addeegyada aasaasiga ah loo gaarsiin lahaa bulshada sannadaha badan ku noolaa deegaannada lagala wareegay Al-shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Wakiilka Qaramada Midoobay miro-dhalka howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo sheegay in ololaha dalka looga saarayo uu si habsami leh uga socdo degaanada Galmudug, hadafkuna uu yahay in laga saaro Galmudug.
Dhankeeda, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa bogaadisay sida ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga go’an tahay dagaalka Al-shabaab, waxa ayna tilmaamtay, waxaana ay sheegtay in kaalintooda ay qaadan donaan.
Ergayga ayaa xustay sidoo kale in joogitaanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ay ka dhigan tahay farriin xoojinaysa halganka xoreynta Soomaaliya iyo sidii la isugu furi lahaa deegaannada ay kala xireen Al-shabaab sida ay hadalka u dhigtay.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this