Sign in to follow this  
Deeq A.

K/Galbeed oo faahfaahin ka bixisay duqeyn Al-Shabaab loogu geystay Buulafulaay

Recommended Posts

Deeq A.   
Duqeyn.jpg?fit=800%2C485&ssl=1

Buurhakaba (Caasimada Online) –Saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay gobolka Baay, gaar ahaan deegaanka Buula-Fulaay oo hoostaga degmada Buurhakaba ayaa la sheegay in maanta duqeyn lagu bartilmaameedsaday.

Si rasmi ah oo madax-bannaan looma oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, laakiin maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Al-Shabaab uu khasaare culus ka soo gaaray duqeyntaas.

Wasiirka amiga Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir ayaa Idaacadda VOA u sheegay in duqeymahaas lagu burburiyay xarumihii kaydka u ahaa Al-Shabaab ee deegaanka Buula-fulaay.

Wasiirka ayaa sheegay in la burburiyey xarumo badan oo kooxda ay ugu keydsanaayeen hub, agab caafimaad iyo gaadiid dagaal, wuxuuna sheegay in khasaare culus lagu gaarsiiyey kooxda.

Sidoo kale waxaa la weydiiyey wasiirka amniga K/Galbeed in khasaare uu ka soo gaaray dad rayid ah iyo in kale, wuxuuna sheegay in aad looga diirsaday duqeyntaas, isla markaana aysan jirin waxyeelo ka soo gaartay shacabka.

Degaanka Buulafulaay ayaa hoos taga degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, wuxuuna ka mid yahay deegaanada ay aad u joogto kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka amniga K/Galbeed wuxuu sheegay in deegaanka kooxda lagu duqeeyey ee Buulafulaay uu ahaa bar ay dhaqaalaha uga qaadaan dadka oo ganacsatada deegaanada maamulkaas ay uga yeeri jireen.

Ugu dambeyntii wasiir Xasan Cabdulqaadir ayaa sheegay in duqeyntaas ay hor dhac u tahay bilaabidda wajiga labaad ee dagaalka oo sida uu sheegay ay u diyaar-garoobeen dadka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

The post K/Galbeed oo faahfaahin ka bixisay duqeyn Al-Shabaab loogu geystay Buulafulaay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this