Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Jindullaah iyo Cabdullahi Jabal oo usoo gacan galay DF + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
367396046_750523133780962_48188826102263

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka ayaa maanta soo bandhigay laba xubnood oo kasoo goostay Al-Shabaab, kuwaas oo usoo gacan galay dowladda.

Labadan nin ayaa iska soo dhiibay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, halkaas oo lagu soo dhaweeyay, sida ay shaaciyeen saraakiisha milatariga Soomaaliya.

Magacyada raggan ayaa waxaa lagu kala sheegay Xasan Macalin Aweys oo magaciisa afgarashadu yahay (Jindullaah) iyo Cabdullahi Ibraahim Maxamed oo isna loo yaqaan  (Jabal), kuwaas oo ah wiilal dhalinyaro ah oo deegaan ahaan kasoo jeeda Koonfur Galbeed.

Hadallo ay siiyeen warbaahinta dowladda ayaa waxa ay ku sheegeen inay muddo saddex sanno ah ka tirsanaayeen Shabaab, isla-markaana ay ka qayb qaateen dagaallo dhowr ah.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay ka soo laabteen waddadii khaldaneed ee ay raaceen, sida ay ku sheegeen wareysiyo muuqaal ah oo ay ka qaaday warbaahinta qaranka.

Dhanka kale saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in dhalinyaradan lasoo dhaweeyay, isla-markaana ay mari doonaan habraaca la marsiiyo xubnaha kasoo goosta Al-Shabaab.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in lagu wareejin doono hay’adaha ku shaqada leh, si ay uga gaataan waajibaadka ka saaran xubnahaan maanta isaga soo dhiibay.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo badanayay xubnaha Al-Shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada dowladda, kadib markii ay kordheen howlgallada ka socda dalka.

367390293_750523137114295_31896506727221 367396046_750523133780962_48188826102263 367440082_750523130447629_37289485633536

The post Xasan Jindullaah iyo Cabdullahi Jabal oo usoo gacan galay DF + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this