Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadweyne kala duwan oo dareen cadho ah ka muujiyay hadalka Saleebaan Gaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Dadweynaha reer Somaliland ayaa dareeno cadha ah ka muujiyay hadalka maanta ka soo yeedhay gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan waxana ay sheegeen in aanu hadalkaasi noqon doonin mid beelaha Somaliland la iskaga hir keeno arinkuna u dhaxeeyo xukuumadda iyo kooxdaas buurta ku jirta ee aan cidna matalin

Saleebaan Gaal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dalka ay ku dagaalamayaan beesha West Burco Clan iyo beelaha kale ee Somaliland oo isku dhan ah.

Hadaba deegaano badan ayaa laga canbaareeyay hadalka Saleebaan waxana hadalkaasi uu aad u dhibay qoysaskii beesha West Burco Clan ee ay shalay ka baxeen ciidamadii ay jabhadu laysay oo ka mid ahaa beelaha West Burco Clan.

Sideedaba ma jirto wax Jabhad ah oo ay leeyihiin beesha West Burco Clan oo loo midaysanyahay, beeshuna waxa ay ku jirtaa ciidamada qaranka ee difaacaaya Jamhuuriyadda Somaliland shalayna u dhintay barina u dhiman doona.

Hadalka Saleebaan Gaal ka soo yeedhay isaga ayuu ku koobanyahay waxana haboon in xilka sare ee hayo iska casilo, raali galina uu ka bixiyo.

Isku soo wada duuboo, Saleebaan Gaal waxa uu u markhaati furay cadawga Somaliland ee meel walba la taagan Jabhada West Burco Clan oo ah mid ay cadawgu ku kala qaybinayaan shicibka Somaliland waana nasiib daro arinkaasi

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this