Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Fariin Adag U Diray Dhillinyada Soomaaliyeed

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in bahda waxbarashadu ay yihiin naftood hurayaal xili adag u kacay waxbaridda ubadka Soomaaliyeed, isla markaana ka soo dhalaalay kaalin muhiim ah oo bannaaneyd.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey munaasabad lagu soo xirayey tartan aqooneedka Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir ayaa bogaadiyey dugsiyadii tartanka ka qeyb galay ee muujiyey dadaalka dheeriga ah, soona bandhigay aqoontooda iyo wajiga aqooneed ee qurxoon ee dalkeennu uu leeyahay.
Mudane Xamse ayaa hoosta ka xariiqay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in loo tartamo waxbarashada, shaqada iyo siyaasadda, si meesha looga saaro in qofku uu danihiisa ku gaaro musuq-maasuqa iyo qabyaalad.
Tartanka oo ay ka qeyb qaateen 1,500 oo arday oo ka socotay Dugsiyada Sare ee Gobolka Banaadir, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Maamulka Gobolka Banaadir, Macallimiin, waaliddiin, dadweyne iyo arday ka socotay dugsiyadii tartanka ka qeyb qaatay.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this