Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo ka careysiisay ganacsatada qaadka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
Khat.png?fit=1597%2C898&ssl=1

Nairobi (Caasimada Online) – Ganacsatada qaadka Kenya ayaa si adag uga hadlay amar culus oo kasoo baxay dowladda federaalka oo ku aadan qaadka ay usoo dhoofiyaan gudaha Somalia, kadib markii ay dowladdu fursad siisay Itoobiya oo qaad kale uu ka yimaado.

Ganacsatada Kenya ayaa sheegay in lagu wargeliyay in 10 maalmood oo kamid ah bishii aysan qaad usoo diri karin Somalia, taas oo ay fursad weyn i tahay Itoobiya, maadaama bishii ay 10 maalmood u heli karto suuq u gaar ah.

Mid kamid ah ganacsatada qaadka ee dalka Kenya ayaa u sheegay warbaahinta Nation in uu hoosu dhac ku yimaaday suuqooda, taasina ay uga wacan tahay go’aanka Somalia..

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maalmo kooban oo 10 cisho ah amar lagu siiyay in ay joojiyaan soo dajinta qaadka gudaha Somalia, isaga oo sheegay in arintaas ay saameyn ku yeelatay ganacsigooda iyo heshiiskii ay horay u galeen dowladaha Somalia iyo Kenya.

Ganacsatadan ayaa sidoo kale ku goodiyay inay joojin doonaan qaadka ay usoo dhoofiyaan Somalia, haddii aan la dhageysan, waxana laga qaban cabashadooda.

Arintan ataa timid ka gadaal markii dowladda  Itoobiya ay Somalia u gudbisay cabasho ku aadan suuqa qaadka ee loo xiray Kenya, taas oo hoos u dhigtay ganacsigii dalkaasi.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax faahfaahin ah oo kasoo baxaya dowladda federaalka oo ku aadan go’aankan ay ka cabanayaan beeraleyda qaadka Kenya.

Qaadka Kenya oo uu horay joojisay madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa sanadkii hore dib u fasaxay Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad dib loo doortay 15-kii May ee 2022-kii.

Dib u fasixidda qaadka Kenya ayaa ku timid, kadib wadahadallo ay Nairobi ku yeesheen hoggaamiyeyaasha labada dal, kaas oo ay qayb ka aheyd xoojinta xiriirka labada dal.

The post DF Soomaaliya oo qaaday tallaabo ka careysiisay ganacsatada qaadka Kenya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this