Deeq A. Posted August 11, 2023 Mudaharaad ka dhacay Ceerigaabo Ceerigaabo(Qaran news)- Mudaharaad ayaa ka bilaabmay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Mudahaardkan oo ka dhacay badhtamaha magaalada Ceerigaabo, waxaanay soo rideen boodhadhka xisbiga KULMIYE ee ku yaallay shaaricyada magaaladaasi. Ilaa imika la soo aheegin wax khasaare ah oo mudaharaadkaas ka dhashay, waxase la sheegay in magaaladu kacsan tahay. Mudaharaadyadan ayaa laga soo horjeedaa dagaalka maanta ka dhacay Go’da yar oo isna sababay khasaare ballaadhan oo labada geesoodba ah. Waxana iska hor imaadkaasi u dhexeeyay ciidammada dawladda iyo jabhada gashay Buurta Gacan-libaax. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites