Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Abaabul dagaal oo ka bilowday Maxaas iyo halka lagu wajahan yahay

Recommended Posts

Deeq A.   
xoogga-dalka-dagaal-howlgal-ciidamada-ci

Maxaas (Caasimada Online)- Abaabul dagaal oo xoog leh, kuna wajahan degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud ayaa ka socda degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Saacadihii lasoo dhaafay ciidamo deegaanka ah oo aad u abaabulan ayaa lagu soo bandhigay degmada Maxaas, kuwaas oo u diyaarsan inay Al-Shabaab ka xoreeyaan Wabxo.

Sidoo kale, kulamo looga arrinsanayo howlgallada ka bilaabanaya furimaha aagagga Wabxo iyo Galcad ayaa ka socda degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Taliyihii hore ee ciidanka Danab, Gaashaanle Cabdimaalik oo hadda hoggaaminaya guuto ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay inuu hoggaaminayo howlgalka lagu xoreynayo Wabxo.

Dagaalka la doonayo in Al-Shabaab looga xoreeyo Galmudug ayaa leh dhowr furimood, waxaana kooxda la doonayaa in laga weerarro dhowr jiho oo kala ah, Maxaas, Galcad, Ceeldheer, Xarardheere iyo Dhuusamareeb.

Howlgallada ayaa shalay ka bilowday Galgaduud, iyadoo duqeyntii ugu horeysay laga fuliyey degmada Galhareeri.

Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay aad loogu duqeeyey Galhareeri, halkaas oo lahu beegsaday seddax xarumood oo waaweyn, dagaalyahano badan ayaa la sheegay in kooxda looga laayey duqeyntaas.

Sidoo kale Dhuusamareeb waxaa ka socda abaabulkii ugu xooganaa oo Maxaxweyne Xasan Sheekh iyo Agaasime Mahad Salaad ay horkacayaan, waxaana lagu wadaa in ciidamada dowladda ay dhawaan weerar toos ah ku qaadaan degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur oo xudun u ah kooxda.

The post Xog: Abaabul dagaal oo ka bilowday Maxaas iyo halka lagu wajahan yahay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this