Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudaharaad maanta ka Dhacay Burco iyo Boodhkii KULMIYE oo Dhulka la soo Dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudaharaad maanta ka Dhacay Burco iyo Boodhkii KULMIYE oo Dhulka la soo Dhigay
Screenshot_20230811_165937_WhatsApp-172x
Hargeysa(Qaran news)-mudaharaad lagaga soo horjeeday Xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ayaa ka dhacay magaalada Burco.

Mudaharaadeyaasha ayaa ka soo horjeeda iska hor imaadka maanta ka dhacay deegaanka Go’da weyn ee gobolka Saaxil, halkaasi oo ay isku haleeleen jabhadda gashay buurta Gacanlibaax iyo ciidammada RRU-da.

Dadweynaha mudaharaadyada ks dhigay Burco ayaa dhulka soo dhigay boodh weyn oo ku yaalay agagaarka siiriiga Burco kaasi oo ay ku qornaayeen shirweynaha golaha dhexe ee xisbul-xaakimka KULMIYE ku qabsanayo 20ka Bishan Magaalada Burco.

Ciidanka booliska ayaa dhallinyaradaas gadoodsanayd kala kaxeeyay markii ay rasaas ku fureen.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay mudaharaadkaasi.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this