General Duke Posted January 25, 2008 Maxaad kala socotaa ciidamada boliska Somaliyed 17-sano kadib Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 23-Janaayo-08 Mudo ku dhawaad 18-sano kadib ayaa waxa uu u muuqda iminka Booliskii Somaliyeed ee lagu yaqaanay budka in uu soo noolaaday, islamarkaana uu si caadi ah uga shaqeynayo guud ahaan dalka Somaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho. Wariye ka tirsan shabakadda wararka ee Calanka oo mudo isbuucyo ah dabagal ku hayay waxqabadka boslika Somaliyeed ayaa ku fasiray waxqabadka bolisku mid aad looga dareemayo magaalada mudooyinkan danbe. Boliskan la unkay sideed iyo tobanka sano ka dib iminkana sanad jirsaday ayaa sida uu wariyuhu inoo sheegay la moodaa mid shaqeynayay waligii oo aan u ekeyn bolis la unkay sanad ka hor oo howl bilaabay. Ciidamada boliska ayaa ku sugan dhamaan saldhigyadii lagu yaqiinay ee gobolka Banaadir inkastoo fariisimo dheeraad ah looga sameeyay mudooyinkan danbe goobo kale oo amaankoodu u baahan in la sugo. Boliska maanta ayaa adeegsado aalado iyo qalab ka duwan kuwii ey adeegsan jireen boliskii hore, waxaana xafiistada boliska yaala computero lagu diiwaan galiyo dadka danbiilayaasha iyo dadka kaleba halka waagii hore lagu qori jiray feylal iyo waraaqo ragister ah. Boliska ayaa iyagoo gaadiid ku buufsan "Bolis" wata ku gaafwareega magaalada caasimadda ee Muqdisho, waxaana marka aad aragto durbo kugu soo dhacaya sida ey ahaan jirtay 17-sano ka hor, waliba ka casrisan. Calanka.com Isha wararka xaqiiqda. Quote Share this post Link to post Share on other sites