Sign in to follow this  
Deeq A.

Wefti uu hoggaaminayo Murrashax Cirro oo Gaadhay Boorame

Recommended Posts

Deeq A.   

Boorame(Qaran news)- Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa socdaal ku jooga Boorame.

Weftiga Nurrashax Cirro waxa ay maanta kulamo albaabadu u xidhan yihiin oo wada tashi ah la yeeshay masuuliyiinta iyo taageereyaasha WADDANI.

Waxa ilo wareedtadaasi sheegeen in kulamada weftiga Cabdiraxmaan Cirro ay socon doonaan ilaa caawa isla markana uu talada madaxda xisbiga ka dhegaysan doono.

Wadahadalkan ayaa diirada lagu saarayaa khilaafka arrimaha doorashooyinka ee ka taagan dalka. Waxaanu qayb ka yahay kulamadii uu hore taageerayaashiisa magaalooyinka Burco, Berbera, Ceerigaabo iyo Caynaba ula soo yeeshay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this