Deeq A. Posted August 11, 2023 Boorame(Qaran news)- Murashaxa Madaxweynaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa socdaal ku jooga Boorame. Weftiga Nurrashax Cirro waxa ay maanta kulamo albaabadu u xidhan yihiin oo wada tashi ah la yeeshay masuuliyiinta iyo taageereyaasha WADDANI. Waxa ilo wareedtadaasi sheegeen in kulamada weftiga Cabdiraxmaan Cirro ay socon doonaan ilaa caawa isla markana uu talada madaxda xisbiga ka dhegaysan doono. Wadahadalkan ayaa diirada lagu saarayaa khilaafka arrimaha doorashooyinka ee ka taagan dalka. Waxaanu qayb ka yahay kulamadii uu hore taageerayaashiisa magaalooyinka Burco, Berbera, Ceerigaabo iyo Caynaba ula soo yeeshay. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites