Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo Xarriga Ka Jaray Laanta Bankiga Dhexe ee Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa si wadajir ah u xarigga uga jaray laanta Bangiga Dhexe ee Dhuusamarreeb.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku amaanay inuu ka shaqeeyo baahinta xarumaha Bankiga Dhexe ee dalka oo laga hergelinayo xarumaha maamul goboleedyada dalka.
Dhanka kale Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay ka reer Galmudug ahaan ku faraxsanyihiin isla markaana muhiimad weyn ay u leedahay in Bangiga Dhexe xaruntiisii Dhuusamareeb dib loo hawlgaliyo oo noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee Bangiga Dhexe ee dib looga howlgaliyo meel ka baxsan Caasimadda Dalka ee Muqdisho.
Ugu dambentii Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa dhankiisa xusay iney ka go’antahay sidii dib loogu howlgelin lahaa dhamaan laamaha Bankiga Dhexe ee dalka uu ku lahaa si loo baahiyo shaqooyinka Bankiga Dhexe.
366937429_749556843877591_38686960209130
365131321_749556490544293_78961927274402
364799505_749556383877637_31346733151404
364787018_749556767210932_14613312607405
364789518_749556557210953_87889652433064
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this