Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi oo lagu weeraray arrin uu uga dhowaaqay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Fiqi.jpeg?fit=1080%2C720&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalim Fiqi ayaa si weyn loogu weeraray dagaal uu sheegay in uu la galayo kuwa baraha bulshada ku buun-buuniya jabka soo gaara ciidamada iyo weerarada ay fuliyaan kooxaha argagixisada.

Wasiirka ayaa sheegay in kooxdaasi ay ka daran tahay argagixisada Al-Shabaab, isagoo ku tilmaamay “maafiya ma naxayaal ah” uuna la galayso dagaal lamid ah kan Shabaab, “Kooxahaas waxay u baahan yihiin dagaal gacan saar ah, diyaar sow looma ahan.”

Kooxdan ayuu sidoo kale sheegay in aysan rabin in laga adkaado aragagixisada Al-Shabaab, xilli dhawaan uu bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo madaxweyne Xasan Sheekh u tegay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Hadalka Wasiirka ayaa si kala duwan looga fal-celiyay, ayada oo dadka qaarkii ay ku weerareen in kooxahan ay hadda sameynayaan wixii hore usoo sameeyay, inkasta oo hadda uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay arrintaan?

Yasiin Xiimaye: “Waxad sameyn jirtay berrine marka xilka wayso aad hubtid in aad sameyneysid lee ma ahoo!.”

Xabeeb Xirsi Warsame oo kamid dadka weeraray Wasir Fiqi ayaa waxa uu yiri “Waa wixii aad qori jirtay adkayso.”

“Wasiir arintaas. Waa mid sax ah,” ayuu yiri Liibaan Cali.

Saciid Axmed ayaa sidoo kale yiri “Ar aduunkan bal dhageysta Fiqi ayaa maanta dad qeylo ku caaynaya waa adduun harka labadiisa gelin.”

“Sowtaa sameyn jirtay lee ma ahanoo Jaalle Wasiir,” ayuu yiri Axmed Maxamed.

Cabdirisaaq Daahir: “Dhibka jiro askariga Soomaaliga waa kan ugu liito siyaasadda Soomaalida dhimashadiisa waxba looma arko.”

Jabarti Maxamed ayaa isna waxa uu yiri “Waa saad ahaan jirtay waa dhaqanka Soomaalida.”

“Sowdigii shalay adiguba intaas sameeyn jiray ilowsha dhawidaa,” ayuu yiri Cabduqaadir Dhoorre.

Abuukar Maxamed Madoobe: “Warkaas dambi lagaaga qori maayo waana asiibtay, laakiin insha Allah waa laga guulaysanaa Shabaabka ayey ka xun yihiin na gumeeyay, waxay rabaan gunnimadaas in aan ku jirno laakiin yeeli mayno Wasiir Fiqi.”

Cabdulqaadir Maxamed Siraad ayaa sidoo kale isna yiri “Howshii aad horay u haysay ayay ayagana hayaan marka saaxiib adkayso soo saxan-saxan ku gud ma’aha.”

“5 sano oo Farmaajo joogay baad dacaayad waday gacantana laguma saarin adigana waxaad rabtaa inaan dhaliilahaaga la sheegin,” ayuu yiri Ayuub Sulaymaan.

Sayid Cumar Xasan ayaa isna waxa uu yiri “Wasiir Axmed Macalim Fiqi kabiirka siyaasada Soomaaliya guuleyso masuul.”

The post Fiqi oo lagu weeraray arrin uu uga dhowaaqay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this