Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay kulamada Dhuusamareeb iyo abaabulka ka socda

Recommended Posts

Deeq A.   
xasan-sheekh-ciid-iyo-Qoor-Qoor-xasan-sh

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka Soomaaliya Xasan Macallim Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ka wada abaabulka duullaanka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah.

Duullaankaan oo dowladdu ay horumuudka ka tahay ayaa qorshuhu yahay in lagu xoreeyo deegaannada ay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab weli kaga sugan yihiin maamulka Galmudug.

Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa xalay hoyga uu ka degan yahay magaalada Dhuusamareeb kula kulmay odayaasha dhaqanka, qaar kamid ah wasiirrada iyo xildhibaannada Galmudug iyo dhallinyaro.

Kulankaan ayaa qeyb ka ahaa kulamada joogtada ah ee wasiirku la yeelanayo qeybaha bulshada ayaa looga hadlay arrimo badan oo khuseeya xoreynta oo ay kamid tahay in dhammaan bulshadu ay wadajir uga qeyb qaadato howl-galka, si dadka deegaanku ay u gaaraan horumarka ay u baahan yihiin.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug, isagoo kala hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka looga xoreynayo Al-Shabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in odayaasha dhaqanka Galmudug ay laf dhabar u yihiin qorshaha cirib-tirka Khawaarijta, isaga oo ku adkeeyey in ay hormuud u noqdaan abaabulka bulshada, wacyi-gelinta, hoggaaminta iyo garab istaagga ciidama qalabka sida.

Xasan ayaa xusay in caqabadda ugu weyn ee haysata Galmudug ay tahay Shabaab, si looga adkaadana loo baahan yahay in odayaasha dhaqanku ay horseed u noqdaan midnimada shacabka iyo taageridda dowladda. Sidoo kalena ay door weyn ka qaatan ku gacansiinta ciidanka qaranka in ay dalka ka sifeeyaan argagixisada caadeystay daadinta dhiigga dadkeenna.

Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa dhankooda ballan-qaaday in ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku garab istaagayaan sidii looga mira-dhalin lahaa Soomaaliya xor ka ah argagixisada.

Odayaasha dhaqanka ee deegaanada Galmudug waxay sheegeen in muhiimad gaar ah ay siinayaan nabadda ay u baahan tahay bulshada Galmudug oo hadda dowladda dhexe ay diyaar ula tahay inay ku garab siiso.

Sida ay horay u sheegeen madaxda dowladda federaalka, dagaalka gobollada dhexe looga saarayo Al-Shabaab waxaa loo qorsheeyey waqti kooban, si koonfurta Soomaaliya looga bilaabo howl-gallo militeri oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada wadamada safka hore.

Si kastaba, Howl-galka qeybtiisa duqeynta cirka ah ayaa shalay billowday, waxaana la filayaa in duulaanka dhulka ah uu isna dhawaan bilaawdo, kaasi oo kooxda looga saarayo deegaannada ay weli kaga harsan yihiin maamulkaasi.

The post Wararkii ugu dambeeyay kulamada Dhuusamareeb iyo abaabulka ka socda appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this