Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Wadaad Wahaabi ah oo si yaab leh wadaado Suufi ah uga saaray Masjid

Recommended Posts

Deeq A.   
wadaado.png?fit=940%2C533&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadaad ka tirsan culimada Wahaabiyada ayaa la sheegay inuu xoog kula wareegay Masjid u dhawaa gurigiisa, kadib markii uu dhibsaday Digri ay si joogto ah Masjidkaas uga qaadi jireen culimada Suufiyada ee dariiqada Ahlu-Sunna.

Dadka ku nool xafadda Shaamow ee degmada Xamar-jajab ayaa dacwo ka ah wadaadkaas oo sida ay sheegeen qurbaha ka yimid, kadibna soo agdegay Masjidka.

“Adinka iyo Aqinka inta u dhaxeysa waxaan akhri jirnay saliga Nabiga CSW, halkaan waxaa lagu akhri jiray cilmi ay ka aflaxeen carruur badan oo kortay iyo kuwo soo koraya, waxaas oo dhan waa xaaraan ayuu na yiri ninka la wareegay Masjidka,” ayuu yiri mid ka mid ah Jameecada Masjidkaas.

Waxay sheegeen in wadaadka xoogga kula wareegay Masjidka uu ka tirsan yahay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta xukuumadda Soomaaliya oo Mukhtaar Roobow uu maamulo.

Culimada hadashay waxay sheegeen in wadaadka oo wata ciidan boolis ah uu soo galay Masjidka, xili ay qaadayeen saliga Nabiga NNKH, isla markaana uu kala ceyriyey jameecadii, furayaashii Masjidkana uu ka qaatay.

Sidoo kale culimada soo gudbisay cabashadaan waxay sheegeen in ninkaas uu warqad ka watay wasaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee Mukhtaar Roobow uu maamulo.

Muddo laba bilood ah oo lasoo dhaafay waxay sheegeen in ninkaas ka xirtay Masjidkoodii ay ka dacwoonayeen, maadaama uu ka tirsan yahay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta, balse ay waayeen cid ka qabata.

“70 ilaa 80 sano ayey culimada Ahlu-sunna gacanta ku heysay masjidkaan, ninkaan oo warqad ka wata wasaaradda diinta Soomaaliya ayaa maalinkii dambe xoog kula wareegay Masjidkii, cid aan uga dacwoono waa weynay oo laba bilood ayaan ka daba wareegeynay masuuliyiinta wasaaradda,” ayuu yiri mid ka mid ah culimadii hadashay.

Culimadaan waxay sidoo kale sheegeen in masjidkaan ay dhawaan ku sameeyeen dhisme balaaran oo kharash badan ay geliyeen, hadda waxaa hakad galay salaadihii lagu tuka jiray, kitaabadii lagu akhri jiray iyo madarasooyinkii carruurta lagu bari jiray diinta, sida ay ku cabanayaan culimada hadashay.

The post Muqdisho: Wadaad Wahaabi ah oo si yaab leh wadaado Suufi ah uga saaray Masjid appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this