Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha weerarkii Jalalaqsi oo kordhay iyo xogtii u dambeysay

Recommended Posts

Deeq A.   
Jalalaqsi.jpg?fit=640%2C480&ssl=1

Jalalaqsi (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa weerar is-miidaamin ah oo shalay ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Waxaa kordhay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay weerarkaasi oo uu fuliyay naftii halige Al-Shabaab ah, kaasi oo ka dhacay gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dadka weerarkan ku dhaawacmay ayaa sidoo kale waxaa kamid ah guddoomiyaha degmada Jalalaqsi oo isagu ahaa bartilmaameedka weerarkaasi.

Tirada dhimashada ee weerarkaasi ayaa gaartay 8 ruux, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) oo la hadlay idaacada VOA.

Is-miidaamiyaha Shabaab-ka ayuu sheegay in gaari lagu soo qaaday oo loo keenay meesha uu joogay, islamarkaana uu gacanta ku dhigay sarkaalkii fududeeyaya weerarkaasi lagu khaarajin rabay ee uu ka badbaaday guddoomiye Nuur Dheere.

“Gaari ayaa lagu keenay, dhagarta cadowga si walba ayay kugu soo galayaan. Nin qarsoona ayaa jiray oo ninkaas ayaa iisoo qaaday oo keenay. Marka qaraxa dhacayay wuxuu iga maqna afar daqiiqo, oo Shabaab ayuu la hadlayay,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ninkaan ay markii hore ka shakisaneyn, uuna aad ugu dhowaa, balse uu xiriir toos ah la lahaa kooxda Al-Shabaab, haddana ay gacanta ku hayaan.

“Aad waxaa u fiicnaan laheyd inta uu gacanteena soo galin hadda intaan oo xaqiiqo ah hayn lahaa maanta ragga la duugaya lala duugi lahaa. Weligay cadow xabsi ma geyn in maanta xabsi u diro waxaa keenaya gacanta uu soo galay waaye.”

Waxa uu intaas kusii daray “Dhaawacayga waa dhaawac iska yar. Awal birarkaan hore ayay igu jiri jireen oo qaraxyada hora u aqiinay oo dhowr jeer aan ka badbaaday, ajashana waqti ayay leedahay.”

Guddoomiye Nuur Dheere ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ay sii wadayaan, islamarkaana ay gacantooda ugu aargudayaan raggii kaga shahiiday weerarkii shalay.

The post Khasaaraha weerarkii Jalalaqsi oo kordhay iyo xogtii u dambeysay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this