Sign in to follow this  
Deeq A.

SOMALILAND oo war kasoo saartay afduubkii ay gaysatay kooxda buurta Gacan-libaax

Recommended Posts

Deeq A.   
Muuse-Biixi.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horraysay faah-faahin ka bixisay dabley hubaysan oo weerar ku qaaday gaadiid ay lahayd hay’adda samafalka ee Halo Trust.

Falkan oo ka dhacay gobolka Daad-madheedh ayey kooxdan oo isku urursday Buurta Gacan-Libaax ku kaxaysteen laba baabuur oo ay hay’addu lahayd, iyo weliba mid ka mida darawaladii gaadiidkaas.

Kukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay jirin cid ka baxsan dablaydaas oo ku lug lahayd weerarka, iyada oo Arbacadii la sii daayey darawalkii u shaqaynayey shirkadda Halo Trust oo dhaawac ah.

“Gaadiidka la kaxaystay illaa haatan gacanta laguma soo dhigin, waxaana hawshan gacanta ku haya ciidamada ammaanka ee Somaliland oo ay wehelinayaan ciidamada booliska ee deegaanka [uu weerarku ka dhacay]. Dawladda Somaliland waxaa ka go’an in ay cadaaladda horkeento dadkii ka dambeeyey falkaas” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda ee Somaliland.

Wasaaradda arrimaha debedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa sheegtay inay “u xaqiijinayso dhammaan muwaadiniinta iyo hay’adaha ajnebiga ah, in arrintani ay ahayd dhacdo gooni ah”

Yaasiin Maxamuud Cabdi oo ah Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Daad-madheedh ayaa horey u sheegay in kooxda uu ujeedkooda ahaa inay dhacaan khasnadda dowladda ee taalla halkaasi, kadibna ay wax ka wayeen, ayna u dhaceen xarunta kale oo ku xigta.

Waa markii labaad oo ay kooxdan afduub ka geysaneyso Somaliland, ayada oo horay u xirtaay 8 qof oo ay 2 kamid ah ay ahaayeen saraakiil, walow mar dambe laga soo daayay.

The post SOMALILAND oo war kasoo saartay afduubkii ay gaysatay kooxda buurta Gacan-libaax appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this