Sign in to follow this  
Deeq A.

Anigu ma aan baxsan haddii aan Meel Tagayo Waxaan Tagi lahaa buurta Gacanlibaax Xil. Axmed-khaliif

Recommended Posts

Deeq A.   

“Anigu ma aan Baxsan Haddii aan Meel Tagayo Waxaan Tagi lahaa Gacan-libaax” Xil. Axmed-khaliif
IMG-20230730-WA0003-300x156.jpg
Hargeysa(Qaran news) Xildhibaan Axmed-khaliif Jaamac Saalax oo ka tirsan Golaha Wakiillada oo dhawaan sheegay in suxifiyad Bushaaro Baandey ay u xidhan tahay Maxamed Muuse Biixi ayaa dalka dib ugu soo noqday dalka. Kadib markii uu soo dhaammaystay socdaal shakhsi ah oo uu ku tagay Addis-ababa.

Xildhibaanka oo maanta uu madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay Xildhibaan Siciid Cudhay oo ahaa qofkii la fadhiyay markii Maxamed Muuse Biixi u sheegay inay Bushaaro Baande isaga u xidhan tahay, wuxuuna ku adkaystay in haddii hadalkiisii sharciga hortiisa wax laga weydiiyo uu caddayn doono arrintaas.

Wuxuu sheegay isagu in aanu baxsan ee uu safar u baxay isla markaana uu ku kalsoon yahay runnimada warkii ka soo yeedhay ee ku wajahnaa Wiilka uu dhalay madaxweynuhu.

“Anigu ma aan baxsan haddiise meel aan tagayo waxaan tagi lahaa Gacanlibaax” ayuu yidhi Xildhibaan Axmed-khalif.

Gesta kalena Xildhibaan Siciid Cudhay ayaa sheegay in xildhibaanadu ay dhaarteen isla markaana aanay jirin sabab ay been u sheegaan. Waxaanu tilmaamay haddii markhaati la weydiiyo inuu furi doono wixii Maxamed Muuse u wada sheegay isaga iyo Xildhibaan Axmed Khaliif taasi oo ah in inankaasi uu sheegtay inay isaga u xufhan tahay sufiyadaas saddexda bilood ku xidhan Hargeysa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this