Sign in to follow this  
Deeq A.

Cirro iyo Dhegoweyne oo kulan ku yeeshay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Cirro iyo Dhegoweyne oo Kulan ku Yeeshay Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)- Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhegoweyne) ayaa maanta gurigiisa ku booqday murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ay ka wada hadleen khilaafaadka siyaasiga ah ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka ee ka taagan daIMG-20230810-WA0006-300x275.jpglka.

Waxa la sheegay inay kulankaasi isku xog waraysteen, haseyeeshee ma jiro wax tafaasiil ah oo laga bixiyay kulankan.

Mujaahid Ibraahim Dhegoweyne ayaa dhawaan Xukuumadda ugu baaqay inay wadahadal lagu furdaamiyo khilaafaadka jira, waxa kaloo uu Xukuumadda ku booriyay inay degdeg uga hawlgasho oo ay waxgarad u dirto dhallinyarada jabhada ku dhawaaqay ee Buurta Gacanlibaax.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this