Sign in to follow this  
Deeq A.

Heshiiskii Somalia iyo Kenya ee duulimaadka oo si adag looga horyimid + Video

Recommended Posts

Deeq A.   
soomaaliya-iyo-kenya.jpg?fit=720%2C492&s

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid heshiis ay shalay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ay la saxiixatay dhiggeeda dalka Kenya.

Guddiga shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in heshiiskaas sida uu yahay aysan uga run sheegin wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya.

“Heshiiska marka la galayo waa in runta laga sheego, waan ka xumahay wasiirad ka tirsan xukuumadda Dan-Qaran in aan dhaho maanta run ma sheegin, laakiin waa lagama maarman maadaama masuuliyad na saaran tahay in aan sheegno waxa sax aheyn cidda sheegtay in aan dhahno ciddaas wax saxan ma sheegin,” ayuu yiri Afhayeen u hadlay guddiga shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed.

Heshiiskaan cusub ee shalay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhigaya in diyaaradaha ka diiwaan-gashan gudaha Soomaaliya ay duulimaadyo ku tegi karaan dalka Kenya, sida ay sheegtay wasaaradda.

Guddiga shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed ayaa beeniyay in heshiiskaas ay qeyb ka ahaayeen, taasi oo ay sheegtay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada inay qeyb ka ahaayeen heshiiskaasi.

“Waxaa cadeynaynaa si buuxda in ururka diyaaradaha qeyb kama aheyn saxiixa heshiiskaas, wey dhici kartaa shaqsiyaad Airline-ka kamid ah inay qeyb ka yihiin laakiin macnaheedu ma ahan haddii shaqsi ka qeyb-galay uu ururka ka qeyb-galay,” ayuu yiri Afhayeen u hadlay guddiga shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed.

Guddiga shirkadaha diyaaradaha Soomaaliyeed oo si weyn u naqdiyay heshiiskaas ayaa sidoo kale waxay madaxda sare ee dalka iyo baarlamaanka ka codsadeen in dib u eegis lagu sameeyo heshiiska shalay lagu saxiixay Nairobi.

“Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Golaha Wasiirada iyo dhamaan guddiga gaadiidka ee baarlamaanka ku metela waa in ay dib u eegis la geeyo heshiiskan iyo heshiiskii kale ee ka horeeyay.”

Waxa uu intaas kusii daray “Heshiis ayaa jiray heshiiskan ka horreeyay oo wasiirada ay soo saxiixday, ururka diyaaradaha waxa uu weydiistay inuu heshiiskaas arko weyna suurta-gali weysay, midka ay hadda saxiixaysana waa weydiinay weyna noo ogolaan weysay.”

Si kastaba, Heshiiskan ay sida adag uga horyimaadeen guddiga ayay wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada sheegtay inuu xoojinayo wada-shaqaynta duulimaad ee labada dal, faa’iidada Soomaalida ugu jirta ay tahay in Kenya loo fasaxo diyaaradaha taargada Soomaaliya wata.

Hoos ka daawo muuqaalka

The post Heshiiskii Somalia iyo Kenya ee duulimaadka oo si adag looga horyimid + Video appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this