Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: GALMUDUG oo noqotay maamulkii u horreeyay ee dib looga howl-geliyo xaruntii…

Recommended Posts

Deeq A.   
366937429_749556843877591_38686960209130

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta si wadajir ah xarigga uga jaray laanta Bankiga Dhexe ee Dhuusamarreeb.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Qoor-Qoor ayaa sidoo kale waxaa munaasabadda xarig-jarkan ku wehlinayay Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi.

Mudane Xasan ayaa ugu horreyntii Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku amaanay inuu ka shaqeeyo baahinta xarumaha Bankiga Dhexe ee dalka oo laga hirgelinayo xarumaha maamul-goboleedyada dalka.

“Bankiga Dhexe xarumo badan kuma lahaan jirin dalka intiisa kale, hadda duruuftii waa isbeddeshay dalkii nidaamka federaalka ka dhaqan-galay oo in adeegii Muqdisho lasoo dhaweeyo waxaa na faraya siyaasada cusub iyo nidaamka federaalka ah.”

Sidoo kale waxa hoggaanka Galmudug uga mahad-celiyey kaalintooda ay ku lahaayeen in maanta la furo xarunta Bankiga Dhexe ee magaalada Dhuusamareeb, taasi oo Galmudug ka dhigaysa maamulkii ugu horreeyay ee xarunta Bankiga Dhexe laga furo.

Dhinaca kale, Madaxweyne Axmed Qoor-Qoor oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay ka reer Galmudug ahaan ku faraxsan yihiin, islamarkaana muhiimad weyn ay u leedahay in Bankiga Dhexe xaruntiisii Dhuusamareeb dib loo hawl-galiyo.

“Iyada oo dagaal lagu jiro, in haddana dib u dhiskii iyo horumarkii socdo sharaf kale ayay noo tahay, oo gacan ku xoreynayno, gacana lagu dhisayo dalkii,” ayuu yiri madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Qoor-Qoor.

Ugu dambentii Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka ayaa dhankiisa xusay iney ka go’an tahay sidii dib loogu howl-gelin lahaa dhamaan laamaha Bankiga Dhexe ee dalka uu ku lahaa, si loo baahiyo shaqooyinka Bankiga Dhexe.

Si kastaba, Xaruntaan maanta laga furay magaalada Dhuusamareeb ayaa noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee Bangiga Dhexe ee dib looga howl-galiyo meel ka baxsan casimadda dalka ee magaalada Muqdisho.

Hoos ka daawo muuqaalka

The post Daawo: GALMUDUG oo noqotay maamulkii u horreeyay ee dib looga howl-geliyo xaruntii… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this