Deeq A. Posted August 10, 2023 Guddida sare ee Waxbarashada oo Yeeshay Shirkoodii 16aad Hargeysa(Qaran news)-Guddida Sare ee Waxbarashada Qaranka ayaa yeeshay kulankoodii 16aad, kulanka guddiga oo uu shir-gudoominayey Gudoomiyaha Guddida Prof. Saleebaan Axmed Guleed ayaa waxa ka soo qayb galay badiba xubnaha guddida, waxaana lagu lafo-guray ajandayaal dhowra. Sidoo kale waxa Kulanka Guddida ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Mudane, Axmed Maxamed Diiriye iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Cabdirisaaq Jama Nuur, Waxaana mudadii uu socday xubnaha guddida warbixin guud la wadaagay Gudoomiyaha Guddida Prof. Saleeban, isagoo ka waramay waxyaabihii u qabsoomay muddadii guddida la aas-aasay kadib, isagoo xusay in loo baahan yahay sidii layskaga wada-kaashan lahaa horumarinta waxbarashada dalka dawlad iyo bulshoba. Sidoo kale, intii kulanku socday xubnaha guddidu waxay lafo-gureen sidii xooga loo saari lahaa fidinta, tayada iyo karti dhisida barayaasha iyo dugsiyada. Ugu danbayn waxa xubnaha guddidu oo ay weheliyaan Wasiirka iyo Agaasimaha Guud laysla qaatan sidii looga wada shaqayn lahaa; Daryeelka, tayaynta iyo kor u-qaadida aqoonta maamulayaasha iyo macalimiinta dugsiyada iyo tayaynta manhajka dugsiyada hoose dhexe iyo sare. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites