Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Somaliland oo ka Digay Mudaharaadyo laga wado Magaalooyinka dalka qaarkood

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska Somaliland oo ka Digay Mudaharaadyo laga wado Magaalooyinka dalka qaarkood

Hargeysa(Qaran news)-Ciidanka Booliska JSL, ayaa ka digey mudaharaad ay sheegeen in laga dhigayo qaar ka mid ah magaalooyinka dalka, ciidanka Booliska ayaa sheegay in aan dalka laga qaban karin mudaharaad aan ogolaashiyo loo haysan.

Hogaanka Howlaha Ciidanka Booliiska Sarreeye guuto Ibraahin Cabdi Xaaji Maxamuud, ayaa bulshada ugu baaqay inay ciidanka kala shaqeeyaan sugida nabadgelyada iyo sidii loo adkayn lahaa, waxaanu xusay in arrimo badan oo khalkhal galinaya nabada dalku ay hadda muuqato, waxaanu sheegay in ay ka mid yihiin jabhadda Gacan Libaax oo uu cadeeyay inay Hay’addo weerareen, gaadiidna qafaasheen.

Ciidanka Booliska ayaa si adag uga digay xaalad kasta oo lagu wiiqayo nabadgelyadda dalka, waxaanay sheegeen in aanay sinaba u ogolaanayn fal kasta oo nabada wax yeelaynaya.

Waxaanu yidhi.“Afhayeenka garabka dhallinyarada xisbiga WADDANI, bannaanbaxa uu ku dhawaaqay ee ku wargeliyay taageerayaasha xisbiga inay isugu soo baxaan maalinta Jimcaha, waxaa aanu u aragnaa mid sharciga baalmarsan.

Wax ogolaanshiyo ah oo ay ka haystaana majiro laamaha ammaanka, bannaanbaxaasi waxa aanu u aragna mid sharci darro ah, nabadgelyada iyo xasiloonidana khalkhal gelinaya.

Waxaan bulshaweynta gobollada Maroodijeex, Togdheer iyo Sanaag ee la kicinayo waa in laga joogsado, sababto ah dowladdina may ogolaan ciidanka booliskuna may ogolaan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in jabhadda gashay buurta Gacan Libaax inay hay’addo weerareen, gaadiidna qafaasheen, sidoo kalena booliskana la weeraray ragna lalaayay.

Waxaanu yidhi.“Toddobaadyadii u danbeeyay waxa jiray xaalado nabadgelyada lagu khalkhalgelinayay, ciidanka booliska waala weeraray, ragba la laayay, xafiisya la weeraray, hay’adda la weeraray, baabuurba la dhacay, raga waxaa ku kacay ayaa waddanka jooga, oo wareegaya buuraha.

Marka falalkan bulshada loogu baaqayo isu-soo-baxyadan iyo kulanadan, kuwana ay iskaashadaan waxa aanu u aragnaa, inay khatari soo baxayso, booliskuna waxa uu taa kaga jawaabaya in uu ka hortago, dhammaan bulshada JSL, waxa aanu ka codsanayna inay booliska ku gacan siiyaan ka hortagida wixii amniga waxyeelaynaya, dhallinyaradaasna la ogaado sida loo kicinayo dhammaana aynu kawada hortagno, amnigeena iyo nabadgelyaddeenana aynu ka wada shaqayno”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this