Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax lagu ldilay askar badan oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
cabdi-bile-gaari.jpg?fit=960%2C640&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga.

Baabuurka la qarxiyay oo ahaa Cabdi Bile ayaa ku socdaalayay waddada Daarusalaam, waxaana qaraxa uu ku qabsaday halka loo yaqaano suuqa jaayga, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Gabi ahaan gaariga ayaa burburay, waxaana ka dhashay khasaare lixaad leh oo soo gaaray ciidamadii saarnaa Cabdi Bilaha.

Inta la xaqiijiyay ugu yaraan illaa 5 askari ayaa goobta ku dhintay, kuwaas oo kamid ahaa ciidamada saarnaa baabuurka qaraxa lagula beegsaday halkaasi.

Waxaa sidoo kale dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray dad kale oo shacab ah oo ka agdhowaa goobta, ayada oo dhimashada rayidka ay iyadun tahay illaa saddex qof.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo dheeraad ah iyo saraakiil ka tirsan laamaha amniga oo ku baxay dhacdadaasi, balse wax war ah kama soo saarin qaraxaasi.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay weerarkan gaadmada ah ee lagu laayay ciidamada, kana dhacay waddada dheere ee aadan deegaanka Daarusalaam

Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo weerarada sii kordhaya ee ay haatan kooxda Al-Shabaab ka geysaneyso Muqdisho, xilli ay dhankooda howlgallo ka wadaan ciidamada dowladda.

Si kastaba, weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkiisii yahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo la filayo in wajigiisa labaad uu ka billowdo gobollada dalka.

The post Qarax lagu ldilay askar badan oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this