Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Golaha Wasiirada DF oo ansixiyay sharcigii ay hor-gaysay KHADIIJA DIIRIYE

Recommended Posts

Deeq A.   
366938698_749296703903605_37702666340258

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shir todobaadlaha ee golaha wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin amniga iyo dagaalka Shabaab.

Ugu horreyn xubnaha golaha wasiirada ayaa shirkooda ku ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed oo la horgeeyay, kadib dood ay ka yeesheen

Waxaa Hindise Sharciyeedkan soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, ee ay hoggaamiso Khadiija Diiriye wuxuuna ilaalinayaa xuquuqda caruurta.

Sidoo kale wuxuu meeshana ka saarayaa wax walba oo ku xad-gudbaya xuquuqdooda, sida ay shaaca ka qaaday wasaaradda soo gudbisay ee Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.

Intaas kadib golaha ayaa shirkooda uga hadlay xaaladaha amni ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga dalka iyo wajiga labaad ee howlgalllada socda ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo ka hadlay goobta.

Xubnaha golaha wasiirada ayaa sidoo kale bogaadiyey billowga wajiga labaad ee howlgalkan oo qorshuhu yahay in lagu xoreeyo goobaha ay Shabaab kaga sugan yihiin deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle, si loogu gudbo meelaha kale ee ay ku harsan yihiin.

Ugu dambeyn golaha ayaa waxaa la horkeeyay warbixinno kale oo la xiriira Guddiga Qiimaynta Amniga Xarumaha Dowladda, Qorshaha Dardar-gelinta Dakhliga Gudaha iyo Hannaanka mideynta kormeerka & Qiimaynta Qaran ee Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9aad iyo Ilaalinta deegaanka oo ay soo bandhigeen Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda ku sugan caasimada Galmudug.

366938698_749296703903605_37702666340258 Biixi-1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Qaasim.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 364741995_749296660570276_68917292673550 364742104_749296543903621_72237078038058 364762323_749296823903593_36453541218447 366220277_749297537236855_39148008843629 366256238_749297193903556_89018869455339 366263956_749297517236857_94753054253240 366292273_749297187236890_55117865367722 366386654_749297487236860_66425438171682

The post Sawirro: Golaha Wasiirada DF oo ansixiyay sharcigii ay hor-gaysay KHADIIJA DIIRIYE appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this