Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1691661723075.jpg?resize=720%2C48

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta Soomaaliyeed.

Hindise Sharciyeedkan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa ah mid ilaalinaya xuquuqda caruurta Soomaaliyeed, meeshana ka saaraya wax walba oo ku xadgudbaya xuquuqdooda.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howlgalka kooxaha Argagixixsada ahlagu ciribtirayo ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga.

Golaha ayaa bogaadiyey billowga wajiga labaad ee howlgalkan oo qorshuhu yahay in lagu xoreeyo goobaha ay kaga dhuumaaleysanayaan AS deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle, si loogu gudbo meelaha kale ee ay ku harsan yihiin.

Sidoo kale, Golaha ayaa la horkeenay warbixinno la xiriira Guddiga Qiimaynta Amniga Xarumaha Dowladda, Qorshaha Dardar-gelinta Dakhliga Gudaha iyo Hannaanka mideynta kormeerka & Qiimaynta Qaran ee Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9aad iyo Ilaalinta deegaanka oo ay soo bandhigeen Wasaaradaha Maaliyadda, Qorsheynta, Amniga Gudaha iyo Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada.

PUNTLAND POST

The post Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Carruurta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this