Deeq A. Posted August 10, 2023 Colaadda gobolka Amxaarada ayaa gobolkaas ka socday muddo bilo ah, wuxuuna sii xoogeystay todobaadkii hore. Dagaalka ayaa weli ka socda dhowr magaalo oo ku yaalla gobolkaas. Sanadihii u dambeeyay, jabhadda Oromada, OLA ayaa dagaal kula jiray ciidamada amaanka ee deegaanno ka tirsan gobolka Oromia, markii uu soo af-jarmay dagaalkii Tigray, dagaal kaas lamid ah ayaa ka qarxay gobolka Amxaarada. Dagaalka hadda socda oo sii xoogeystay maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaad ka dhisan gobolka Amxaarada oo la yidhaahdo Fano, dagaalkaas oo horseeday in dowladda ay ku dhawaaqdo xaalad degdeg ah, furimaha dagaalkana ay u dirto ciidan. Wararka ka imaanaya gobolka Axmaarada ayaa sheegaya, in ciidamada dowladda Itoobiya ay maleeshiyaadka deegaanka ah ee FANO ka saareen labo magaalo oo waaweyn, waana markii ugu horreysay oo ay furimaha dagaalka gaadhaan tan iyo markii uu dagaalku qarxay todobaadkii hore. Maadaama dagaalku sii xoogeystay, dadka u dhuun daloola arrimaha Itoobiya ayaa sheegaya in xaaladdu sii xumaan karto. Source Share this post Link to post Share on other sites