Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Nin waday gaari lagu soo buuxiyay qaraxyo oo lagu dilay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
364131049_748992530600689_57065927821467

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedk Muqdisho, kaas oo ay sameeyeen ciidamada Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA).

Howlgalkan ayaa waxaa lagu dilay nin waday baabuur nooca raaxada ah oo ay Al-Shabaab kasoo buuxiyeen walxaha qarxa, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada oo ka war haya weerarkan ay ka hortageen, isla-markaana ay fashiliyeen qorshaha Al-Shabaab ee qaraxaasi.

Dowladda waxa ay sheegtay in la kala furfuray qaraxyada, ujeedkana uu ahaa in lagu dhibaateeo dadka shacabka aha ee aan waxba galabsan.

“Ciidamada NISA ayaa deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka Muqdisho ku dilay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta oo watay gaari ay ku soo rareen waxyaabaha qarxa, NISA ayaa ku guuleysatay inay khaarajiso ninkaas oo dabagal ay ku heysay, iyadoo laga furtay gaarigii ay qaraxyada ku soo rareen oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri war lagu daabacay bogaga warbaahinta qaranka.

Sidoo kale dowladda ayaa u mahadcelisay dadka deegaanka ee kala shaqeeyay fashilinta qaraxaan oo la sheegay in loo soo waday gudaha magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa marar badan fashiliyay weeraro noocaan oo kale ah, kadib howlgallo ay ka sameeyeen dhabaha xiriiriya magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Si kastaba, ciidamada dowladda ayaa haatan caasimada iyo nawaaxigeeda ka wada howlgallo culus oo lagu xaqijiinayo amniga, si looga hortago weerarada Al-Shabaab.

363907166_748992573934018_10269597608272 363931906_748992560600686_62742426761404 363936919_748992540600688_28932983540802 364053814_748992580600684_63489121036016 364131049_748992530600689_57065927821467

 

The post Sawirro: Nin waday gaari lagu soo buuxiyay qaraxyo oo lagu dilay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this