Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamo horleh oo lagu soo bandhigay duleedka Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   
363848379_749003470599595_80176225882255

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa gelinkii dambe ee Arbacadii shalay duleedka Dhuusamareeb lagu soo bandhigay xoogag ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka, kuwaas oo ka qayb-qaadanaya dagaalka Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa dhoolatus ka sameeyay deegaanka Mareergur oo hoos taga magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ah goobta la’isugu keenay ciidankan oo ah dadka deegaanka..

Wararka ayaa sheegaya in xoogagan la’isaga keenay deegaanada dhaca inta u dhaxeysa  Dhuusamareeb illaa Xarardheere, si ay ugu biiraan gulufka ka socda Galmudug.

Sidoo kale waxaa ciidamadan booqasho ugu tegay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka, xildhibaano, senataro iyo saraakiila ka tirsan ciidamada Xoohha dalka.

Mas’uuliyiinta ayaa ciidankaan kula dardaarmay inay ka qeyb-qaataan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaanada Galmudug.

Dhankooda hoggaamiyeyaasha ciidankan is abaabulay ayaa balan-qaaday inay doorkooda ka qaada doonaan howlgallada xoreynta ee ka socda gobollada dhexe ee dalka.

Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa si firfircoon uga socda diyaargarowga loogu jiro gulufka ay tahay in jiridda loogu siibo Shabaabka hubeysan.

Dadka reer Galmudug ayaa muujiyay inay ka go’an tahay in ay wiiqaan kooxaha argagixisada, ka dib sanado badan oo ay duljoogeen.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo hormuud u ah dagaalka ayaa Dhuusamareeb u jooga hagida dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

363848379_749003470599595_80176225882255 363907147_749003490599593_78668566805207 364107355_749003507266258_61184035780387 364107374_749003457266263_98458488957054 364235452_749003277266281_60860730969333 366726372_749003240599618_66432211155097 Macawiisley.jpg?resize=696%2C392&ssl=1

The post Sawirro: Ciidamo horleh oo lagu soo bandhigay duleedka Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this