Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharrax Madaxweyne oo xalay shirqool lagu dilay dalka Ecuador

Recommended Posts

Deeq A.   
2b76b154-d062-4f01-bd41-a41e92548a96_w40

Murashax u taagnaa xilka madaxtinimada dalka Ecuador, caanna ku ahaa la dagaallanka musuq-maasuqa ayaa xalay lagu dilay shirqool, xilli uu kasii baxayay goob uu ka olololeynayay oo ku taalla waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Quito.

Goob-joogayaal ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay, in nin hubeysan uu saddex xabbadood ku dhuftay Fernando Villavicencio oo ka tirsanaa Golaha Shacabka, ahaanaa musharrax madaxweyne oo matalayay xisbiga Build Ecuador Movement.

Madaxweyne Guillermo Lasso ayaa xaqiijiyay dilka Fernando isla markaana sheegay in uu u maleynayo in ay ka danbeeyaan danbiilayaal abaabulan. Wuxuu intaasi raaciyay in shir-qoolka lagu khaarijiyay Villavicencio loo ciqaabi doono dadki ka danbeeyay.

Dhanka kale, war kasoo baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Ecuador ayaa lagu sheegay, in ninka looga shakisanyahay inuu dilay murashaxa madaxweyne uu ku dhintay rasaas ay is-weydaarteen isaga iyo ciidamada amniga oo doonayay in ay qabtaan.

Fernando Villavicencio ayaa ahaa mid ka mid ah siddeed murashax oo u taagan doorashada madaxtinimada dalka Ecuador oo ka mid ah dalalka ku yaalla Koofurta America, doorashadaas oo dhici doonta 20-ka bishan August ee sannadkaan 2023-ka.

PUNTLAND POST

The post Musharrax Madaxweyne oo xalay shirqool lagu dilay dalka Ecuador appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this