Sign in to follow this  
Deeq A.

Su’aalo ka dhashay go’aanka Xasan uu Dhuusamareeb…

Recommended Posts

Deeq A.   
Xasan-2.jpeg?fit=2048%2C1365&ssl=1

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Khuburada ka faallooda dagaalka ee Soomaalida ah ayaa siyaabo kala duwan u fasiraya in madaxweynahu uu dego magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, si loo muujiyo in dowladda dhexe ay ka go’an tahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wejiga labaad ee dagaalka Al-Al-Shabaab ka dhanka ah ayaa qorshuhu yahay in lagu qaado dhulka fog ee gobolka Galgaduud iyo deegaannada ku teedsan badweynta Hindiya ee gobolka Galgaduud.

Gaashaanle Sare Cilmi Faarax Webi, oo kamid ahaa saraakiishii militariga ee dowladdii uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre ayaa qaba in halkii uu madaxweynuhu u dhowaan lahaa jiidaha hore ee dagaalka ay ka wanaagsaneyd inuu ku sugnaado barta laga hago dagaalka ee ku yaalla Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee magaalada Muqdisho.

“Madaxweynahu waa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dalka, wuu tegi karaa jiidda hore ama meel ku dhow, laakiin muddo kuma sugnaan karo ka badan 24 saac,” ayuu yiri Gaashaanle Sare Cilmi Faarax oo la hadlay VOA.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waa nin aan asal ahaan ka imaan ciidan oo rayid ah, amni ahaanna waa laga habboon yahay in uu u dhowaado meel halis ah, shaqadaasi waxaa iska leh taliyaasha ciidamada qalabka sida. Xeerka xilliyada dagaalka waxaa loo ogolyahay in uu ku sugnaado jiidda hore keliya taliska hoggaaminta howl-galka iyo khuburada sare ee milliteriga,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Marka laga yimaado aragtidaas waxaa jira dad kale oo u arka in joogitaanka madaxweynaha ee Dhuusamareeb ay ka dhigan tahay mid dhiirri-gelin u ah ciidamada iyo guud ahaan dadka doonaya in Al-Shabaab laga saaro deegaannada hadda la qorsheynayo in la weeraro.

Gaashaanle Sare Cilmi Faarax waxa uu sidoo kale ku doodayaa in Ceelbuur oo la qabto ay ku jirto xasilloonida deegaanno badan oo hadda ku jira gacanta dowladda dhexe ee Soomaaliya.

“Ceelbuur iyo deegaannada ku xeeran in laga saaro Al-Shabaab waxay muhimad weyn u leedahay Qaranka Soomaaliyeed, sababtu waxay tahay in kooxdu ay abuuri karto dhibaato weyn oo amni, sida wixii ka dhacay Galcad oo lagu laayay askar badan iyo saraakiil muhiim u ahaa dagaalka.”

“Waxay sidoo kale ay halkaas ku diyaari karaan qaraxyo is-miidaamin ah oo ay ku qaadaan dhulka xorta ah ee gacantooda ka baxay, ama waxay dib usoo abaabuli karaan dagaal kale” ayuu markale yiri Gaashaanle Sare Cilmi Faarax.

The post Su’aalo ka dhashay go’aanka Xasan uu Dhuusamareeb… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this